Guluf ballaaran oo ku wajahan Shabaabka Gobolada Dhexe

Ciidankan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamadan oo aad u fara-badan, isla-markaana wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan gulufka la doonayo in lagu xoreeyo min Aadan Yabaal illaa Xarardheere, waana deegaanada ay beesha ciidamadan degto.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Agaasimaha Dekedaha & Gaadiidka Badda, Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur).

Sheekh Cumar Xuseen Maxamed oo ka mid ah waxgaradka beesha ayaa sheegay in muddo gaaban ay Shabaab kaga saari doonaan deegaanada ay beeshu degto.

“Waa deegaan ay dadkii la liiceen in wax badan cadowgu ay kor deganaayeen, maanta iyo maalmaha soo socdaba waxay ciidamada go’aansadeen inay heeryada Al Shabaab ka dulqaadaan, waxayna go’aansadeen sidii ay markoodii horeba u go’aansadeen inay dadkooda iyo deegaankoodu difaacaan, kana xoreeyaan cadowga waqtiga dheer qaatay ee ummadda xoolaheedii, dhaqankeedii iyo deegaankeediiba bi’iyay.” Ayuu yiri Sheekh Cumar Xuseen Maxamed.

Sheekh Cumar Xuseen ayaa beelaha kale ee Soomaaliyeed ee ka maqan kacdoonka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan kacdoonka ka bilowday Gobolka Hiiraan, kuna fiday qaybo ka mida gobolada kale ee dalka.

Dr. Guuleed Cabdi Jaliil oo ka barbar hadlayay Sheekh Cumar Xuseen ayaa sheegay in la gaaray, xilligii Shabaab laga saari lahaa deegaanada beesha.

“Waxaan dareemaynaa in la gaaray waqtigii deegaanada ee bulshadan degto, ee muddada fog uu cadowgu ku habsaday inay maanta u istaaggeen, si ay isaga xoreeyaan.” Ayuu yiri Dr. Jaliil.

“Maanta looma kala harin abaabulka, xoreynta iyo difaaca deegaanada bulshadan degto.” Ayuu yiri Dr. Jaliil oo intaasi ku daray “Waxaan rajeynayaa muddo gaaban dhulkii iyo deegaankii oo xor ah, laga soo bilaabo Xarardheere illaa Magaalada Muqdisho oo isku xiran, xorna ah inuu Ilaahay na tuso.”

Shabaabka hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka ayaa sanadkan wajahaya kacdoonkii ugu ballaarnaa ee kaga yimaada dhanka qabaa’ilada, oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com