Ciidanka NISA oo xabsiga dhigay Cabdalla Axmed Muumin

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa maanta lagu xiray Magaalada Muqdisho, ka dib markii laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ee garoonkaasi ka hawlgala ayaa ka hor istaagay in uu magaalada ka dhoofo.

Ciidanka NISA ayaa la sheegay inay Cabdalla Axmed Muumin ka kaxeeyeen garoonka, isla-markaana ay geeyeen goob aan la garanayn.

Cabdalla Axmed Muumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa Isniintii shalay walaac ka muujiyay amarkii ka soo baxay Dowladda Federaalka, ee Warbaahinta loogu sheegay inaanay buunbuunin karin wararka Al Shabaab.

Dowladda ayaan weli ka hadlin xarigga Cabdalla Axmed iyo walaacii uu ururkaasi ka muujiyay warka loogu digay Warbaahinta madaxabannaan.

Xarigga Xoghayaha Guud ee Ururka SJS ayaa imaanaya saacado uun ka dib, markii uu ururku boggiisa Facebook ku sheegay in fiidnimadii xalay ay Xafiiska SJS soo weerareen Ciidanka NISA, xilli xafiiskaasi uu xirnaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com