Gudoomiyihii Degmada Qoryooley oo qarax lagu dilay

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax lagu dilay Gudoomiyihii Degmada, Sayid Cali Ibraahim.

Gudoomiyaha ayaa lagu dilay qarax ka dhacay goob uu fadhiyay, oo ku taala nawaaxiga Buundada Qoryooley.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in sidoo kale uu qaraxaasi ku dhintay mid ka mida ilaaladii Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo muddo dhowr sano ahi xafiiska joogay ayaa lagu ammaanaa in uu wax badan ka qabtay amniga degmadaasi, isla-markaana uu ka hirgeliyay ciidan madani oo arrimaha nabadgelyada ka shaqeeya.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka Gudoomiyihii Degmada Qoryooley.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com