Korneyl Mahdi Cumar oo loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir

Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu Mahdi Cumar Muumin u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

“Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.” Ayaa lagu yiri warka Taliska Booliska.

Korneyl Mahdi ayaa beledeya Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo 30-kii bishii September lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com