Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka oo ka qaybgalay kulan duco (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qaybgalay kulan xus iyo duco ahaa, oo Xarunta Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Ex Xildhibaan Daahir Xasan Guutaale, oo muddo dheer ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ayaa loogu duceeyay marxuumka, isla markaana looga waramay shaqooyinkii uu qaranka gaar ahaan Wasaaradda ka soo qabtay muddadii uu shaqeynayay, oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaybaha wasaaraddu ka kooban tahay.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in Marxuum Guutaale uu ahaa nin af gaaban oo Alle ka cabsi badan, isagoo dadkii la da’da ahaa oo hawlgab ahna, uu u adeegayay qarankiisa.

Wuxuu sheegay in marxuumku door muuqda ku lahaa dhismaha Dowaladnimada Somaliya, isaga oo ka mid ahaa Golaha Shacabka sanadihii 2000-2004 iyo 2008-2012.

Marxuumka ayaa ahaa aabaha dhalay Kamaal Daahir Guutaale, oo hadda ah La taliyaha Amniga ee Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com