Wafdi ay hoggaamineyso Sacdiya Yaasiin oo gaaray Degmada Buulo Burde (SAWIRRO)

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Sacdiya Yaasiin oo hadda ah Kusimaha Madaxweynaha iyo wafdigeeda oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xildhibaano iyo Saraakiisha Ciidamada.

Wafdiga ayaa degmadaasi u tegay, sidii loo dhiirigelin lahaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda, ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

Sacdiya Yaasiin oo ka hadleysay kulan soo dhaweyn ah oo halkaasi loogu sameeyay ayaa tiri “Waxaan aniga aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan maanta meeshaan taaganahay, anoo weligay Hiiraan meelna ka tegin, sababta i keentay inaan runtii soo istaagana waxay tahay, kursigan aniga aan ku taaganahay waxa i doortay, waxaa u badnaa reer Hiiraan, gaar ahaan reer Buulo Burde.”

Waxay sheegtay in Xildhibanaada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay lacago uga goyn doonaan mushaarkooda, inta ay hawlgaladu ka socdaan gobolkaasi, si loogu taageero ciidamada.

Sacdiya Yaasiin ayaa hablaha reer Hiiraan ee qurbajoogta ugu baaqday inay is muujiyaan, isla-markaana ay gabar kasta lacag u qoondeyso ciidamada gobolka ka wada gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Sacdiya Yaasiin ayaa dadka reer Hiiraan ku ammaantay “Waxaan qirayaa inaad noqoteen Somaliya qoloda ugu horreysay oo u istaagay dagaalkan, waxaa la idinka sheegay Washington D.C, waad u jeedeen in Mareykanka la soo saaray magaciina, Beledweyne/Hiiraan la idinka lahaa.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com