Cabdalla Axmed Muumin oo loo gudbiyay Xabsiga Godka Jilacow

Cabdalla Axmed Muumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta (SJS) ayaa xalay ku hoyday Xabsiga Godka Jilacow ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii ka qabtay Garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Nairobi, iyagoona u gudbiyay Godka Jilacow.

Ururada Saxaafadda ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga sharci darrada ah ee Xoghayaha loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud ee SJS loo gudbiyay Xabsiga Godka Jilacow, oo ah baa warsaxaafadeedka lagu yiri xarunta caanka ah ee NISA, kuna dhow Madaxtooyada.

“Xarigga ayaa ka dambeeyay, ka dib markii bahda Warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin SJS, FESOJ, SOMA iyo SMSG ay shir jaraa’id ku qabteen Xarunta SJS ee Magaalada Muqdisho 10-kii October 2022, halkaas oo ay ku muujiyeen walaacooda ku aaddan awaamiir cusub oo ay dowladdu soo saartay, oo lagu mamnuucay waxa loogu yeero ‘faafinta dacaayadaha Al Shabaab’. Kooxaha u dooda Warbaahinta ayaa walaac ka muujiyay in aan lagala tashan, waxaana laga yaabaa in awaamiirtaasi ay si aan munaasab ahayn u xadiddo xoriyadda hadalka iyo sharciga madaxbannaanida ee saxaafadda dalka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warka ayaa lagu muujiyay weerarkii habeen hore ay Ciidanka Hay’adda NISA ku qaadeen Xafiiska SJS, xilli shaqaalihii ay ka rawaaxeen.

“Muuqaalada ay duubtay kaamirada CCTV-ga ee dhismaha ku xiran ayaa muujinaya ciidamo ka tirsan NISA oo isku dayaya in ay xoog ku furaan xafiiska, laakiin aanay u suurtagelin.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Bahda Warbaahinta ayaa dowladda ugu baaqday in si degdeg oo shuruud la’aan ah lagu sii dayo Cabdalla Axmed.

Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin dareenka ay saxaafadda madaxabannaan ka muujisay inaanan la tebin karin wararka Al Shabaab iyo xariggii xigay ee ninkaasi loogu gaystay caasimadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com