Dagaal qaraar oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal faraha looga gubtay uu saaka ka dhacay deegaanka Yasooman, oo hoostagga Degmada Buulo Burde.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ku leeyihiin deegaankaasi.

Daryanka sawaxanka hubka cul culus ayaa saaka laga maqlayay deegaanka Yasooman iyo deegaanada kale ee ku xeeran, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Weerar kale oo midkan barbar socday ayay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamadu ku leeyihiin deegaanka Beerayabaal, oo dhaca duleedka Degmada Buulo Burde.

Beerayabaal ayaa ku dhow waddada laamiga ee muhiimka u ah isu socodka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Inkastoo uu aad u xididan yahay xogta laga helayo dagaalkaasi iyo weliba khasaaraha ka dhashay ayaa waxaa haddana guulo ka sheegatay Al Shabaab.

War ka soo baxay Al Shabaab oo ay tebisay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus ayaa lagu sheegay in maleeshiyadooda ay cagta mariyeen fariisimihii ciidamadu ku lahaayeen deegaanadaasi.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli dhankooda ka hadlin dagaalka waaberigii hore ee saaka ka dhacay gobolkaasi.

Shabaabka ayaa Axaddii ku jabay weerar ay ku qaadeen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Jicibow, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buulo Burde.

Gobolka Hiiraan oo xudun u ah kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa ah furinta keliya ee uu dagaal toos ahi ka soconayo, Shabaabka ayaana toddobaadyadii la soo dhaafay dareemay in culeys weyn uu ka soo wajahay gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com