Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jaamacadda Nabadda ee QM ka qaatay shahaadada PHD

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay shahaadada sare ee Culuumta Nabadda, Maamulka & Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aasaasiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jebisay Dugsiyada Sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aasaasiga ah, ee ay xaqa u leeyihiin dhallinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bogaadiyay jaamacadaha dalka kobaca ay sameeyeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com