Cabdalla Axmed Muumin oo loo haysto eedo dhanka amniga la xiriira

Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ayaa ka hadashay xarigga Xoghayihii Guud ee Ururka Saxafiyiinta (SJS), Cabdalla Axmed Muumin loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inay war ka heshay xarigga ninkaasi, laguna wargeliyay in loo haysto eedeymo dhanka amniga ah.

“Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda Ururada Saxaafadda ee Magaalada Muqdisho ka hawlgala. Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Hay’adda dembi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla-markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeynaysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda. Masuuliyiinta wasaaradda ayaa ka dalbaday Xafiiska Xeer Ilaalinta in haddii muwaadinkaas loo haysto falal ka baxsan xirfadadii si degdeg cadaaladda loo horkeeno, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.”

Cabdalla Axmed Muumin ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii laga qabtay Garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Nairobi. Ururada Saxaafadda ayaana sheegay in loo gudbiyay Xabsiga Godka Jilacow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com