Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo baaq u jeediyay Ciidamada Dowladda

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa xalay cod uu soo duubay kaga hadlay dagaalada ka soconaya dalka, gaar ahaan Gobolka Hiiraan, isagoo dhanka kalena baaq u diray Ciidamada Dowladda.

Afhayeenka ayaa marka hore sheegay in dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay deegaanka Yasooman ee duleedka Degmada Buulo Burde lagu dilay 117 ka mid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa, isla-markaana ay ka furteen gaadiid dagaal, sida uu yiri.

Afhayeenka oo baaq u jeedinayay Ciidamada Dowladda ayaa yiri “Waxaan halkan farriin uga dirayaa ciidamada, waxaan leeyahay waxaad xaabo u tihiin dagaal aanan kiina ahayn, waxaad difaac u tihiin cadowga xaqiiqiga ah ee aanu is hayno, waxaad doorateen inaad difaac u noqotaan gaalada dalkeena ku soo duushay.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaad ogaataan inaad u dhimanaysaan badalka askar Mareykan, Turkey iyo ATMIS, waxaad tihiin ma liibaanayaal saliibiyiintu ku liibaaneen.”

Cali Dheerea ayaa yiri “Haku kadsoomina dal iyo dad baad wax u qabanaysaan. Waxaad ogaataan inaad Ilaahay la dirireysaan diintiisa, in lagu dhaqmana aad diidan tihiin, waxaad is weydiisaan maxaa adiga iyo gaalka Mareykan ah, kan Yugandheyska ah iyo kan itoobiyaanka ah isku saf idin geliyay, oo gacalo idinka dhigay. Waxaad manta haysataan fursad aad Allah ugu towbad keenaysaan, ee Allah u towbad keena, intaadan gacanta mujaahidiinta soo gelin. Furimaha waxaa la idiin keennaa si meydadkiina ay isaga soo fogeeyaan, Insha’Allah hantida aad sidataan waxay qaniima u tahay mujaahidiinta.”

Hadalka Cali Dheere ayaa imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay leesla dhex marayay in lagu dilay dagaalkii xooganaa ee 29-kii bishii September ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle ee Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com