Gurmadkii Galmudug oo gaaray deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal

Ciidan gurmad ahaa oo xalay ka ambabaxay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gaaray deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal ee Gobolka Hiiraan.

Deegaanadan oo hoostagga Degmada Buulo Burde ayaa waxaa Arbacadii ka dhacay dagaal culus, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerareen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanadaasi.

Ciidamada ka yimid Guriceel oo ka tirsan Guutada 15aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad, Gaashaanle Cabdifataax Haruuuse Daahir, oo ay wehliyan Taliye Kuxigeenka Guutada 15aad, Gaashaanle Xirsi Cali Quuri, Taliyaha Ururka 72aad ee Guutada 15aad, Gaashaanle Cabdullaahi Dhimbil, Gudoomiyihii hore ee Degmada Matabaan, Maxamed Dhoobey Maxamuud iyo Saraakiil sare oo Qaybta 21aad ka tirsan, sida Korneyl Xuseen Salaad Ibraahim, waxayna gaareen Yasooman iyo Beerayabaal.

Ciidamadan oo ka soo ruqaansaday fariisimahoodii gobolkaasi ayaa si dhiiranaaan leh ugu safray masaafo dheer, si ay kaga qayb qaataan hawlgalada lagula dagaalamayo Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay mar kale ku baaqay inay shacabka Soomaaliyeed ka qayb qaataan dadaalada dalka looga xoreynayo Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in waddada keliya ee Shabaab looga guuleysan karo ay tahay midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com