Madaxweyne Qoorqoor oo ku laabtay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa 1-dii bishan Caasimadda Muqdisho kaga qaybgalay Salaadda Janaasada ee Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo ku geeriyooday qarax 30-kii bishii September ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, xubno ka mid ah Labada Gole ee Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi iyo Duqa Magaalada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow).

Dib ugu soo laabashadiisa magaalada ayaa imaanaysa, xilli uu hakad ku yimid abaabulkii iyo hawlgalkii ka dhanka ahaa maleeshiyada Al Shabaab ee gobolka ka socday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com