Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa Caasimadda Addis Ababa kaga qaybgeli doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, oo looga hadlayo amniga Qaaradda Afrika. Shirka ayaana socon doono dhowr cisho.

“Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa ay dalka Itoobiya kaga qaybgeli doonaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto, oo la yiraahdo Madasha Tana Forum, oo si gaar ah looga hadlo dhibaatooyinka amniga ee soo wajaha Qaaradda Afrika.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixinayay safarka wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ee dalkaasi.

Afhayeenka ayaa yiri “Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo la filayo in shirka uu khudbad ka jeediyo ayaa waxa uu kaga hadli doonnaa dhibaatooyinka xagga amniga ee haysta dalal fara-badan oo qaaradda ah, oo ay ka mid tahay Somaliya, oo si gaar ah ula dagaalameysa kooxda xagjirka ah ee argagixisada Al Shabaab.”

Waa safarkii labaad ee Ra’iisal Wasaaruhu ugu ambabaxo dalka dibaddiisa, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay. Safarkan middkii ka horeeyay ayuu 26-kii bishii August ugu ambabaxay dalka Tunisia, isagoona Magaalada Tunis kaga qaybgalay shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com