Ra’iisal Wasaare Barre oo qaabilay Safiirka cusub ee Jarmalka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Jarmalka u soo magacawday Somaliya, Sebastian Groth.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka & iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood iyo la dagaalanka argagixisada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan, ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Danjire Groth ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, wuxuuna ballanqaaday inuu ka shaqayn doono xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com