RW Barre oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya

Ra’iisal Waaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo galabta gaaray Magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa ka wada hadlay, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee deriska, isla-markaana iskaashi xoogan looga samayn lahaa arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wafdiga Ra’iisal Wasaare Barre ayaa Magaalada Bahir Dar kaga qaybgeli doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, oo looga hadlayo amniga Qaaradda Afrika.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa maanta Warbaahinta u sheegay “Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa ay dalka Itoobiya kaga qaybgeli doonaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto, oo la yiraahdo Madasha Tana Forum, oo si gaar ah looga hadlo dhibaatooyinka amniga ee soo wajaha Qaaradda Afrika.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo la filayo in shirka uu khudbad ka jeediyo ayaa waxa uu kaga hadli doonnaa dhibaatooyinka xagga amniga ee haysta dalal fara-badan oo qaaradda ah, oo ay ka mid tahay Somaliya, oo si gaar ah ula dagaalameysa kooxda xagjirka ah ee argagixisada Al Shabaab.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com