Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha amniga dalka (SAWIRRO)

Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada.

Shirka ayaa warbixino la xiriira xaaladda amniga dalka looga dhageystay Wasiirada Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Amniga Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo guulaha ay ka gaareen Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka.

Golaha Wasiirada ayaa mamnuucay in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda dastuuuriga ah.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ilyaas Cali Xasan ayaa golaha warbixin ka siiay xaaladda abaaraha dalka iyo halka ay marayaan howlaha gurmadka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com