5 sano oo laga jooggo qaraxii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe

Shan sano ayaa ka soo wareegatay weerarkii dadka badani ku dhinteen ee maanta oo kale 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaari nooca xamuulka oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa galabnimo Sabti ahi waxa uu si lama fillaan ahayd ugu qarxay Isgoyska Zoobe, xilli mashquul badani uu ka jiray, laamaha amniga ayaana xilligaasi sheegay inay ku daba jooggeen gaarigaasi.

Dad tiradooda lagu qiyaasay shan boqol oo qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, oo illaa iyo hadda aanay jirin cid masuuliyadiisa sheegatay, inkastoo si dhow loola xiriiriyay maleeshiyada Al Shabaab.

Marka laga soo taggo boqolaalka qof ee qaraxaasi ku dhintay, waxaa kaloo jira gaadiid iyo dhismooyin ganacsi oo ku burburay, iyadoo dad hantiileyaal ahaa ay maanta qaarkood ka fara-maran yihiin.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa maalintii xigtay qaraxaasi waxay bannaanbax ka dhacay Magaalada Muqdisho kaga hadaaqday dhawaq aan horey looga maqal geyiga Soomaalida.

“Si gar iyo mag la’aan ah naloogu qarxiyay baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ma dhihi karo, nukliyeer baa baabuur lagu soo shubay, waa nala dhex dhigay, waa nalagu gubay. Waxa nagu gubayna waa carruutii aan dhalnay oo aan korinay, oo aan kabinay. Waxaan nahay hooyooyin gablan ah, oo bannaanka iyo gudaha ku gablan ah.” Ayay tiri Batuulo Sheekh Axmed.

Waxay kaloo tiri “Qof Soomaali ah oo hilibkiisoo gubtay bac lagu shubo oo dhulka hoostiisa la geliyo, waa taariikh ooyin leh, waa taariikh madow, waa wax maanta Soomaali keeni kara ama inaan jirnoo dagaalano ama in nala laayo oo aan saa u hoggano, oo aan waxba qabsan kari weyno oo adduunyada nalaga dabar-tiro.”

Inta qarax ay dunida ka gaysteen kooxaha argagixisada waxa uu qaraxani noqonaya kiisii ugu waxyeelada badnaa ee laga gaysto goob ay birimageedada ku badan tahay.

Xuska 5aad ee laga jooggo qaraxii Zoobe ayaa waxa uu sanadkan ku soo aadaya, xilli dowladda cusub ay wacad ku martay in muddo kooban ay ku ciribtiri doonto mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com