Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Xawaadley

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay maleeshiyada Al Shabaab kala wareegeen deegaanka Xawaadley, oo hoostagga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidanku ay hawlgalkan ku dileen 30 ka mida maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo ay ku jiraan saddex horjooge.

“Argagixisada qaarkood ayaa la laayay ayagoo ku baxsanaya gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen deegaankan, halka qaarka kalena lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii geliyaan qaraxyo.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu yiri “Hawlgalka waxaa lagu dilay horjoogayaasha deegaanada wabiga ku teedsan ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaas oo kala ahaa: 1, Maadeey Madoobe 2, Xamaali Kalombe, 3, Mukhtaar Gabigoor.”

“Deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah, oo ay argagixisada isaga kala gudbi jireen Gobolada Shabellaha Hoose & Shabellaha Dhexe iyo goob ay ka so maleegaan dhibaatooyinka ay u gaystaan dadka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya.” Ayaa lagu sheegay warka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com