Dowladda oo amaro culus ku soo rogtay ganacsatada Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka ayaa maanta soo saartay awaamiir ay ganacsatada uga digeyso inay la macaamilaan maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Somaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaanay ganacsatada u hoggaansami karin amarada Al Shabaab.

“Annagoo fulinayna amarka dowladda ee ku aaddanaa la dagaalanka argagixisada ee dhanka dhaqaalaha, Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha waxay faraysaa dhammaan ganacsatada in aan lala shaqayn karin, lala macaamili karin, isla-markaana aan wax loo fududeyn karin, wax dhaqaale ah loogu yaboohi karin, awaamiirtoodana aan loo hoggaansami karin kooxda argagixisada ah ee ka soo horjeedda amniga iyo jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa ku goodiyay in ganacsatadii ka dhego adeegto awaamiirtan lagala laaban doono shatiyada ay u haystaan inay dalka kaga ganacsadaan.

“Ciddii ku lug yeelata howlaha sare ku xusan, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan iyo xeerarka wadanka. Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha waxay qaadeysaa tallaabooyinka uga aaddan ee soo socda. 1= In lagala laaban doono diiwaangelinta iyo shatiyada ganacsi ee shirkadda ama ganacsadihii gala dembiga kor ku xusan. 2= Ganacsadihii ay ku caddaato in uu u hoggaansamo awaamiirta argagixisada ama siiya dhaqaale maaliyadeed uusan dib dambe uga ganacsan doonin dalka Somaliya. 3= Shirkaddii ay ku caddaato in ay ku jiraan xubno ka tirsan ururka argagixisada ah ee Al Shabaab ama wakiil uga noqda ganacsigooda, waxaa lagala wareegaya dhammaan wixii hanti guurto ama ma guurto ah ee shirkaddaasi leedahay. 4= Shrikaddii ama ganacsadihii lagu helo gudbin dhaqaale ee kooxaha argagixisada ah, waxaa la baabi’inayaa dhammaan jiritaankooda ganacsi.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “Sidaasi darteed waxaa lagu adkeynayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan awaamiirta sare ku xusan, isla-markaana dhaqangeliyaan go’aanka, si loo badbaadiyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com