Gudoomiye Jeyte oo dardaarankii ugu dambeeyay u jeediyay Macawiisleyda (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ku booqday furimaha dagaalka, isagoona kula dardaarmay waajibaadkii ugu dambeeyay ee hawlgalada ay tahay in lagu soo afaro jooggitaanka maleeshiyada Al Shabaab ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha oo ay la soceeen qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, Saraakiil ciidan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa xoogagaasi ugu yeeray in laga dhabeeyo yoolka nabadgelyada ee Gobolka Hiiraan, ayna tahay in hadda loo jiheysto deegaanada tirsan ee ay Shabaabka kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Waxaa uu sheegay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaalka ka soconaya gobolkaasi, haraadiga Shabaabkana ay tahay in muddo kooban lagu soo afjaro.

Gudoomiyaha ayaa xoogaga dib-u-xoreynta deegaanada gobolkaasi ku ammaanay inay yihiin geesiyaal naftood hurreyaal ah, isla-markaana ay lafdhabar u yihiin kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Sidoo kale waxa uu sheegay inay tusaale dhaxalgal ah u yihiin xoreynta dalka, si ummadda Soomaaliyeed isaga dulqaaddo cadowga uu sheegay muddada dheer dhibaateynayay.

Dhanka kale Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa mar kale ballanqaad lacageed u sameeyay dadka deegaanka, taas oo la siin doono cid kasta oo disha Afhayeenka Guud ee Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Gudoomiyaha ayaa madaxa Cali Dheere duldhigay shan iyo labaatan kun oo dollar ($25,000), lacagtaasi oo lagu abaalmarino doono qof kasta oo dila ninkaasi.

Cali Dheere ayaa ka mid ah Saraakiisha sarsare ee Al Shabaab, ee Mareykanka uu madaxooda duldhigay mallaayiin dollar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com