Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka ugu hambalyeeyay guusha koobka CECAFA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay xulka da’yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciyaaryahanada, macalimiinta iyo maamulka xulka da’yarta Soomaaliyeed ay tusaale wanaagsan u noqon karaan xirfadda iyo dadaalka ciyaaryahanada Soomaaliyeed, taas oo aasaas wanaagsan u ah xul Soomaaliyeed oo la tartama dhiggooda gobolka iyo qaaraddaba.

“Xulka kubadda xagta ee 17 jirada ah ee qarankeena, waxa ay muujiyeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay la tartamaan dhiggooda caalamka, aysanna niyad jebin karin kuwa ku gumaadaya fikirka xagjirnimada ah ee qaraxa iyo xasuuqa u adeegsanaya qaarkood, kuna beegsada walaalahooda kale ee la da’da ah.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si dhow ula socday ciyaaraha xulka 17 jirada ah ee ku metelayay dalka Is reebreebka Afrika ee heer gobol ee bariga iyo bartamaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha dalka ugu hambalyeeyay hanashada koobkan oo dhabbaha u xaaraya soo noqoshada wacdarihii heer gobol iyo heer qaaradeedba ee xidigaha Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com