Wasiirka Gaashaandhigga oo xil u magacaabay General Caanood

General Cabdullaahi Cali Caanood oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loo magacaabay inuu noqdo Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sameeyay magacaabistan, si loo xoojiyo xiriirka Warbaahinta iyo Wasaaradda.

General Caanood ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, sida isagoo soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga.

Jananka ayaa door muhiim ah ka qaatay hawlgaladii 10 sano horteed maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaray Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com