Xulka kubadda cagta ee Somaliya oo ku guuleystay koobka CECAFA

Xulka kubadda cagta ee Somaliya ee 17 jirka ayaa galabta ku guuleystay tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, ka dib markii 3-1 ay ku garaaceen dhiggooda South Sudan.

Guusha taariikhiga ay ciyaartoyda qaranka ka gaareen tartankaasi ayaa goor dhow oo galabta ah lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ciyaartoyda labada dal ayaa u soo baxay tartanka AFCON ee sanadka 2023 ka dhici doona dalka Algeria.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan dalkaasi ayaa u hambalyeeyay ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horreysay oo xulka kubadda cagta ee qaranka Soomaaliyeed ay ku guuleystaan koobkan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com