Dowladda Qatar oo Safiir cusub u soo magacawday Somaliya

Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi u magacaabay inuu noqdo Safiirka xigga ee Qatar u fadhiya Somaliya.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Amiirka, ayna baahisay Wakaaladda Wararka ee dalkaasi ayaa lagu shaaciyay magacaabista Safiirka.

Danjiraha cusub ayaa bedelaya Danjire Hassan bin Hamza oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Doha u joogay Caasimadda Muqdisho.

Magacaabistiisan ayaa imaanaysa, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo in booqashadiisii ugu horreysay uu dalkaasi ku taggo.

Bishii August, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomay martiqaad uu ka helay Amiir Tamim.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com