Ra’iisal Wasaare Barre oo casho sharaf u sameeyay xulka kubadda cagta (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa xulka kubadda cagta qaranka ee 17 jirada, oo ku guuleystay tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

Ciyaartoyda qaranka ayaa Sabtidii 3-1 ku garaacay dhiggooda South Sudan, ka dib ciyaar xiiso iyo xamaasad badan oo ka dhacday Caasimadda Addis Ababa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa casho sharafta ku wehlinayay xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa habeenkii Khamiista ciyaartoyda u ballanqaaday abaalmarin ay ku farxaan, haddii ay ku guuleystaan koobkaasi.

“Anigu waxaan idiin ballanqaadayaa, haddaad soo guuleysataan iyo haddii aydan soo guuleysanba, horta hadda waad guuleysateen, saan guul baad ku fadhidaan, laakiin tan abaalmarintu meel bay ku xiran tahay, laakiin haddaad soo qaaddaan koobkana, taas wax weyn bay noqonaysaa, Insha’Allah. Abaalmarinaa leedihiin, haddana waad leedihiin, laakiin way kala weyn yihiin, tan soo socoto haddaad ku guuleysataan, waa abaalmarin qiimo leh oo aad iyo aad u wanaagsan, aadna ugu faraxdaan ayay xukuumaddu bixin doontaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Barre.

Somaliya oo markii ugu horreysay ku guuleysatay koobkan ayaa waxaa Isniinta la gayn doonnaa Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com