Rooble oo xoojinaya gulufka Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdiga Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Wafdigan oo ay qayb ka yihiin Labada Gole ee Dowladda Federaalka, Saraakiil ciidan iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabayay martiqaad uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), si ay qayb kaga noqdaan dardargelinta gulufka maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha oo wafdigan ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ayaa kaga mahadceliyay, sida ay uga ajiibeen codsigiisii ahaa inay maamulka kala qayb qaataan hawlgalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com