Wasiir Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Baydhabo (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay Saraakiisha Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wafdigan ayaa Magaalada Baydhabo u tegay, sidii loo dardargelin lahaa hawlgalada maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Qoraal lagu daabacay bogga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanku uu u kuurgeli doono goobaha ay ciidamadu kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com