Xildhibaan Macalimuu oo weeraray Taliska Ciidanka Midowga Afrika

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dhaliilay Taliska Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Xildhibaanka ayaa is barbardhig ku sameeyay is bedelka ku yimid Ciidanka Nabad Ilaalinta ee dalka ku sugan, intii ay ku hawlgelayeen magaca AMISOM iyo inta ay qaateen magacoodaan cusub ee ATMIS.

“AMISOM sanado ka hor waxa ay ka qayb qaadan jireen ama hormuud ka ahaayeen hawlgalada ka dhanka ah Shabaab. Xilligii wariyenimadeyda waxa aan u raacay hawlgalo badan oo Khawaarijta lagaga saaray deegaano badan, sida Qoryooley, Buulamareer illaa Baraawe. Barigaas AMISOM waxa ay ku doodi jireen in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed aanay awood badan laheyn, dadweynaha deegaanadana aanay wada shaqayn ka heysan.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo intaasi raaciyay “Hadda Ciidmadii XDS waa kuwa dagaalka adag kula jira cadowga, shacabkii waa kaa ku kacay Shabaab, laakiin nasiib darrada jirta waa ATMIS oo gacmaha ka laabtay dagaalkii ay Al Shabaab kula jireen oo keliya ku soo ururay is difaac.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Baarlamaanka Federaalka ugu baaqay in dib loo eeggo shaqada ATMIS, kolka uu dhawaan furmo Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka.

“Sidaan xal maaha, Baarlamaanka Somaliya waxa aan u soo jeedin lahaa kolka uu furmo Kalfadhiga inagu soo aaddan in la iska wareysto hawlgalka ATMIS . Ciidamo 20,000 gaaraya oo magaca kaalmada Somaliya mushahar ku qaata, oo aan haddana kuu ciidamineyn waa arrin culus oo shaki badan abuureysa.” Ayuu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa dhaliilay Ciidanka Gaarka ee Dowladda Federaalka, isagoona yiri “Waxa kaloo iyana nasiib darro kale ah ciidamada khaaska ah ee tababarka sare leh ee Soomaaliyeed in ay ku shaqeeyaan amarro shisheeye, oo ay madaxda ciidamda awood kooban ku leeyihiin. Waxa ay mararka qaarkood ciidamada iyo xoogaga kacdoonka dadweyne geliyaan cabsi iyaga oo u sheegay in dhowr boqol oo Shabaab ah ay dhankoodu ku soo socdaan, drone-koodu ay arkayaan. Ma duqeynayaan, juuq uma yiraahdaan, haddiise iyagu ay hawlgalku qayb ka yihiin kuwa iyaga ay tababareen dhan walba waa laga taageerayaa, oo ay ku jirto duqeynta ay codsadaan si loo yiraahdo ciidamada dal heblaayo uu tababaro waa cajiib. Ma garan karo goorta ciidan Soomaaliyeed uu laba qaanad kala galay.”

Xildhibaan Macalimuu ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxa la joogaa xilligii Shabaab waddanka laga saari lahaa, haddii ciidamada ajnabigu aanay hawlgalka iyo dagaalada socdaa qayb ka aheyn, ma aqaano sabab ay dalka u joogaan. Haddii ay inanga baxaan shisheeyaha saddx uun bay mid noqon. In runta loo dhaadhaco oo aan Shabaab jihaad sax ah la galno, kana adkaanno, sida ka jirta deegaano badan oo Soomaaliyeed. In Shabaab sidii Taliban ay inaga adkaadaan oo dalka ay la wareegaan iyo in cid walba ay taagtiisa runta u sheegto oo la gaaro hishiis dhab ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com