Cabdalla Axmed Muumin oo dib loogu celiyay xabsiga

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta (SJS), Cabdalla Axmed Muumin ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu xiray Magaalada Muqdisho, maalin uun ka dib, markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay damaanad ku sii deysay.

Laamaha amniga ayaa ninkan ka qabtay Garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in arrimo caafimaad uu ugu socday magaaladaasi, sida lagu sheegay qoraal fiidnimadii caawa lagu daabacay bogga Ururka SJS ee Twitter-ka.

“Cabdalla Axmed Muumin, kelyo xanuun aad u daran ayuu qabaa, wuxuuna bilaabayaa cunto-joojin, haddii la sii hayo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Talaadadii hore ayaa sidaan oo kale loogu xiray Garoonka Aadan Cadde, oo looga sii gudbiyay xabsiyada kale ee magaalada ku yaala. Xariggiisa ayaa yimid, ka dib markii 10-kii bishan uu walaac ka muujiyay awaamiirtii Dowladda Federaalka ay ka soo saartay inaanan la buunbuunin karin wararka Al Shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa Arbacadii sheegtay in loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kiiskiisa dib u dhigtay muddo 45 cisho ah, ka gadaal markii Xeer Ilaalintu codsatay in dib loo dhigo maxkamadeynta ninkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com