Ciidamada ku sugan difaaca Moqokori oo deeq la gaarsiiyay (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ee ku sugan deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa la gaarsiiyay deeq isugu jirta dawo, dhar iyo agab kale.

Guddoomiyaha Degmada Matabaan, Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa ciidamada deeqdan ugu geeyay furimaha difaaca, ee ay kaga sugan yihiin deegaankaasi, oo bishii hore laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Goobta ciidamada lagula wareejiyay deeqdan ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Xildhibaan, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Gudoomiye Degmada Matabaan iyo maamulkiisaba ku ammaanay, sida ay u garab istaaggeen gulufka horaan ka soo bilowday duleedka Matabaan ee haddana maraya Moqokori.

“Degmada Matabaan, waa meeshaan ka soo bilownay dagaalka ka dhanka ah Shabaab.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo intaasi raaciyay “Matabaan waa degmo xusuus igu leh.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com