Deni oo shir guddoomiyay shirka Wakiilada Beesha Caalamka iyo Puntland (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir guddoomiyay shir u dhaxeeyay Puntland iyo Wakiiladda Beesha Caalamka ee dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliya, James Swan ayaa waxaa shirka ku wehlinayay Safiirada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Midowga Afrika iyo IGAD.

“Waxaa kulankan ujeedkiisu ahaa oo looga hadlay Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee dhowaan ka dhacaya Degmooyinka Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa shirka la wadaagay meesha wax u marayaan iyo farsamo ahaan in ay diyaar u tahay qabashada Doorashada Goleyaasha Deegaanka, xukuumaduna waxaa ay soo bandhigtay tallaabooyinka dardargelinta ah ee ay qaaday iyo in ay ka go’antahay in ay dhacdo Doorasho Gole deegaan oo ku dhacda jewi ku xasilloon, loo dhanyahay, laguna tartami karo.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Warka ayaa lagu sheegay “Dhinacooda Wakiillada Beesha Caalamka waxay muujiyeen in ay ka go’antahay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed, oo ay la garab taagan yihiin hirgelinta nidaamka doorasho ee Goleyaasha Deegaanka ee Puntland.

Waxaa la isla qaatay Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Puntland in ay muhiim u tahay, daadejinta awoodda & khayraadka iyo hirgelinta nidaamka federaalka ah ee Somaliya, haddii ay Puntland ku guuleysatana waxay noqon karta wax Somaliya laga hirgelin karo. Sidoo kale Dowladda Puntland Beesha Caalamka ayaa wada yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Puntland, sida Amniga, Abaaraha, Dowlad wanaaga iyo Mashaariicda horumarin.”

Madaxweyne Deni waxaa shirka ku wehlinayay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), Guddiga Dardargelinta Doorashooyinka Puntland ee heer Wasiir, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com