Madaxweynaha Ukraine oo la yaaban weerarada Ruushku ku hayo xarumaha tamarta

Ciidamada Ruushka ayaa sii wada weerarada ka dhanka ah xarumaha tamarta ee dalka Ukraine, iyadoo maanta oo ugu dambeysay ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaala dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Kyiv.

Weeraradan ayaa lagu macneeyay kuwo ay Moscow ku naafeynayso kaabayaasha tamarta ee dalkaasi, xilli la gelayo waqtigii qaboobaha.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in weerarada labadii toddobaad ugu dambeysay ee Ruushku kordhiyay ay burburiyeen xarumaha tamarta ee dalkaasi, boqolkiiba soddon, tani oo horseeday sida uu yiri in koronto la’aan ay soo wajahdo qaybo badan oo dalkaasi ka mida.

“Ukraine waxaa ku socda duqayn ay ku hayaan kuwa ku soo duulay, waxay sii wadaan wax kasta oo argagax-gelin ah iyo dilka dadka rayidka.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay bartiisa Telegram-ka.

Madaxweynaha ayaa weeraradan ku tilmaamay kuwa argagixiso, isagoona hoosta ka xariiqay inaysan jirin meel bannaan, oo ay maanta kula xaajoon karaan Hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay inuu la yaaban yahay, sababta uu Ruushku u beegsanayo xarumaha tamarta iyo suuqyada waaweyn ee dalkaasi.

“Waxaan la yaabanahay waxa argagixisada Ruushku ay kula dagaalamayaan xarumahan nabdoon.” Ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.

Zelenskyy ayaa yiri “Argagixisada ka soo duushay Ruushka waxay sii wadaan isku daygooda guracan, ee ay ku doonayaan in ay inagu jebiyaan, isla-markaana nagu cabsi-geliyaan. Waxay moodayaan inay hadafkoodu ku gaari doonaan, haddii reer Ukraine ay qaboobku wajayaan, iyagoo naga jaraya korontada iyo biyaha, waa nacasnimo sababtoo ah kuwa khasaaray ee fuleyda ah ma jebin karaan dad ad-adag.”

Saraakiisha iyo Maamulada Magaalooyinka ayaa dadweynaha ugu baaqaya, kuwooda adeegga korontada haysta inay yareeyaan isticmaalka tamarta.

Magaalooyinka qaar shacabka ayaa bilaabay inay iibsadaan motoorada yar-yar ee dab dhaliyaasha, si ay uga gudbaan jiilaalka ina soo aaddan. Jiilaalku waa xilliga ugu qabow Qaaradda Yurub, waana xilliga ay dadku ugu isticmaalka badan yihiin tamarta, si ay diirimaad uga dhigtaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com