Mareykanka oo 5 milyan oo dollar duldhigay Xasan Afgooye oo Shabaab ka tirsan

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa xayiraado ku soo rogtay shabakad Ururka Al Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo weliba hubka.

Waaxda Maaliyadda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in shabakaddan ay shaqadeedu tahay soo iibinta hubka, fududeynta dhaqaalaha iyo qorista dagaal-yahanada Shabaabka.

“Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci-darrada ah Al Shabaab ee ka hawlgala Afrikada Bari.” Ayuu yiri Brian Nelson, Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee Arrimaha Argagixisada & Sirdoonka Maaliyadda.

Nelson ayaa yiri “Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaqdhaqaaqyada dhaqaale uruurinta ee Al Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh Al Qaacidda.”

Waaxda Maaliyaddu waxay sheegtay in Shabaabku ay sanad kasta helaan dhakhli dhaqaale oo gaaraya boqol milyan oo dollar, ayna ka helaan ilo kala duwan oo dhaqaale, isla-markaana ay maalgeliyaan hawlgalada Al Qaacidda ee dunida oo dhan iyo weliba kooxaha kale ee xiriirka la leh.

Xubnaha Shabaab ee xayiraadaha lagu soo rogay:-

Cabdullaahi Jeeri ayaa lagu sheegay inuu yahay Madaxa Al Shabaab ee keenista hubka, isaga oo kooxda hub uga soo iibiya gudaha dalka iyo dibadda, gaar ahaan dalka Yemen. Ninkan ayaa la sheegay inuu yahay xiriiriyaha Shabaab iyo ganacsatada dalka, isla-markaana uu soo uruuriyo canshuuraha ay Shabaabku soo rogaan.

Khaliif Cabdale waa ninka Shabaab u qaabilsan ururinta xogha ururada aan dowliga ahayn (NGOs), wuxuuna si toos ah ugu waramaa Amiirka Ururka Al Shabaab, Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Xasan Afgooye oo lagu sheegay hoggaamiye muhiim ah oo Al Shabaab ka tirsan ayuu Mareykanku madaxiisa duldhigay shan milyan oo dollar, lacagtaas oo la siin doono cid kasta oo war iyo wacaal ka keenta ninkaasi. Ninkan oo horey u soo noqday Madaxa Maaliyadda ee Al Shabaab ayaa hadda maamula shabakad dhanka dhaqaalaha oo Shabaabka u qaabilsan soo ururinta sadaqada beenta ah, baadda iyo weliba afduubka.

Cabdikariin Xuseen Gaagaale oo horey u soo noqday Kuxigeenka Madaxa Maaliyadda ee Al Shabaab ayaa ka mid ah xubnaha xayiraadaha lagu soo rogay.

Abdisamad (Samad) wuxuu ku dhowyahay Golaha Hoggaanka Sare ee Ururka Al Shabaab, wuxuuna hawlo dabagal iyo cilmibaaris ah u sameeyaa ururkaasi.

Cabdikariin Nuurey wuxuu Shabaab u qaabilsan yahay isku xirka ururka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka, wuxuuna kala wareejiyaa lacagta ururka loo soo uruuriyo, oo uu ku wareejiyo hoggaanka sare.

Xubnaha kale ee kala ah: Maxamed Xuseen Salaad, Axmed Xasan Cali Saleebaan Mataan), Maxamed Cali (Badaas) ayay Waaxda Maaliyadda Mareykanku xayiraado ku soo rogtay, waana xubno kale oo Shabaabka hubka u soo iibiya.

Xayiraaddan ayaa ka dhigan in laga bilaabo Isniintii shalay la xanibay dhammaan hantida shakhsiyaadkan iyo wax kasta oo ay leeyihiin, oo yaala gudaha dalka Mareykanka amaba ay gacanta ku hayaan shakhsiyaad Mareykan ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com