Shir lagu dardargelinayo hawlgalada oo ka dhacay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Shirkan oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiinta, culimada, dhaqanka iyo haweenka beelaha ka soo jeeda Galmudug ayaa maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka ayaa ahaa mid lagu dhiirigelinayay dadka deegaanka iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlgalada la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanada Galmudug.

Xubnihii shirka ka hadlay oo siyaasiyiin u badnaa ayaa ku baaqay in hal meel looga soo wada jeesto Al Shabaab, lana jooggo xilligii laga sifeyn lahaa Gobolada Dhexe.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shirkan uu ku soo aaday, xilli loogu baahi badnaa in laga arrinsado dhibaatada ay Shabaabku ka wadaan deegaanada Galmudug.

“Kulanka aan maanta halkan isugu nimid wuxuu ku soo aaday, xilli loogu baahi badnaa oo ay ahayd inaan ka arrinsano waxa deegaankan aan ka soo jeedno ee Galmudug ay ku hayaan cadowga koowaad, labaad iyo saddexaad ee Khawaariijta Al Shabaab, kuwaa oo dhibka ugu weyn ay ku hayaan gobolkan aan joogno.” Ayuu yiri Rooble.

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa bogaadiyay, sida ay isu abaabuleen dadka deegaanka, Shabaabkana looga saari lahaa dhulka ay ka jooggaan Galmudug.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in shacabka iyo maamulkuba, ay si wadajir ah isaga kaashadaan hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, si Galmudug ay xor uga noqoto maleeshiyadaasi.

Ugu dambayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo shirka soo xiray ayaa u mahadceliyay wafdigii ballaarnaa ee Rooble uu hoggaaminayay, ee Axaddii Dhuusamareeb u yimid, sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen dardargelinta hawlgaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com