Wararkii ugu dambeeyay gulufka iyo abaabulka ka soconaya gobolada dalka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ka warbixiyay hawlgalada dalka ka soconaya, ee la doonayo in Shabaabka lagaga saaro deegaanada ay maamulaan.

“Sidaad la socotaanba dalka waxaa ka socday hawlgal militari, oo ay si wadajir ah uga wada hawlgalayaan xoogaga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Dowlad Goboleedyada. Hawlgalkaas waa socdaa, meelihii uu ka bilowday si fiican buu uga socdaa, guulo badan-na waa laga gaaray. Gobolada kalena abaabul iyo diyaargarow ballaaran ayay ku jiraan, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxay jooggaan Koonfur Galbeed, waxaa la qorsheynaya hawlgalkii laga bilaabi lahaa deegaanada Koonfur Galbeed ee cadowgu uu gacanta ku hayo.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Jubbaland ay waddo diyaargarow ay kaga qayb qaadaneyso kacdoonka shacabka, isla-markaana ay doonayaan inay hawlgalada ka bilaabaan Degmooyinka Jamaame, Xagar iyo Badhaadhe oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

“Jubbaland diyaargarow bay sameeyeen, waxaa ciidan lagu xoreeyay Raaskambooni, Dhoobley iyo Kismaayo, ayaguna waajibaadkoodu waxaa weeye, oo ay doonayaan hawlgalkaas kacdoonka shacabka ah inay ka qayb qaataan, ayagoo kaashanaya Ciidamada Qalabka Sida. Hawlgaladaas ayay ka bilaabi doonaan Degmooyinka Jamaame, Xagar iyo Badhaadhe.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Gobolka Jubbada Dhexe oo ah gobolka keliya ee sida buuxdo uu Shabaabku uga arrimiyo ayuu Afhayeenku sheegay inuu noqon doono kan ugu dambeeya ee Shabaab laga saaro.

“Gobolka Jubbada Dhexe kuligiisa waxaa haysta cadowga, laakiin waxay Insha’Allah noqon doontaa dalka marka intiisa badan la xoreeyo in la isugu taggo aakhirka, ayadaana ugu dambayn doonto Gobolka Jubbada Dhexe.” Ayuu yiri Afhayeenka.

General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tibaaxay in abaabul xoogan uu haatan ka socdo deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, abaabulkaas oo uu sheegay inuu ka socdo Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Waxa uu muujiyay in gulufkan lagu mataanayn doono kan ka socda Gobolka Hiiraan.

“Waxaa iska kaashanaya hawlgaladaas Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga kacdoonka shacabka. Magacaas anaa hadda iri oo macawiisley baan ka xishoonaya inaan dhaho, laakiin dowladda magac munaasabad ah oo ku habboon, ayadaa aakhirka bixin doonta. Xoogaga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed anaa hadda iska doortay oo ereyga Macawiisley aan ku bedelay, laakiin magac dowladdu ay bixisay ma ahan.” Ayuu yiri General Caanood.

General Caanood ayaa yiri “Hawlgalkan dambe oo hadda gobolada diyaargarowga ay ku jiraan wuxuu bilaabmi doonnaa toddobaadyo gudahood ama toddobaad gudahiisuu bilaaban doonnaa. Markuu halmar bilowdana Insha’Allah, waxaan rajeynaynaa cadowga ummadda Soomaaliyeed inuu dalka ka suulo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maqaal uu Axaddii qoray waxa uu ku sheegay in la jooggo xilligii uu gabalka Al Shabaab dhici lahaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com