Madaxweynaha Hirshabelle oo markii ugu horreysay xirtay dareyska ciidamada

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa markii ugu horreysay fagaareyaasha ka soo muuqday, isagoo ku labisan dareyska ciidamada, tan iyo markii uu dalka ka bilowday kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ay la socdeen Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Raage Ceelle & Cadale iyo Saraakiil ciidan ayaa Talaadadii kormeer ku tegay tuulooyin hoostagga Degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in la jooggo, waqtigii la soo afjari lahaa sida uu yiri argagixisada arxanka daran ee Al Shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa shacabka reer Hirshabelle ugu yeeray inay kaalintooda ka qaataan hawlgalada lagu baacsanayo buu yiri arxanlaaweyaasha arxanka daran.

Gulufkan ka bilowday Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ah mid garab socon doono gulufka kale ee muddooyinkii ugu dambeysay ka socday Gobolka Hiiraan, waana mid meesha looga saarayo amaba lagu yareynayo weerarada rogaalcelinta ah, ee ay Shabaabku xilliyada qaarkood ka sameynayaan gobolkaasi, oo xudun u ah kacdoonka dadweynaha ee ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa Shabaabka ka saaray, inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com