Taliyaha cusub Ciidamada Ruushka oo ku hadaaqay hadal aan looga baran Saraakiisha Militariga

Taliyaha cusub ee Ciidamada Ruushka ee hoggaaminaya dagaalka Ukraine, General Sergei Surovikin ayaa xalaadda Magaalada Kherson ku sheegay mid aad u adag, oo dagaalada ka socdaana ay waxyeelo ba’an ka soo gaarayaan.

Taliyaha ayaa Telefishinka Dowladda Ruushka ee Rossiya24 u sheegay in Ciidamada Ukraine ay gantaalo la dhacayaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo weliba dhismooyinka magaalada, ayna tahay in dadka rayidka halkaasi laga daadgureeyo.

Taliyaha ayaa shacabka reer Kherson ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan, haddii Ciidamada Ukraine ay si indho la’aan ah u duqeynayaan magaaladaasi, sida uu yiri.

Ciidamada Ukraine ayaa horey u sii wada weeraradooda ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalooyinka ku yaala koonfurta iyo bariga dalkaasi.

General Surovikin ayaa sheegaya in saldhigyada ciidamadooda ku leeyihiin Magaalooyinka Kupiansk iyo Lyman ee bariga Ukraine iyo aagga waqooyiga Kherson, ee u dhaxeeya Mykolaiv iyo Kryvyi Rih ay si joogto ah uga socdaan weeraro.

“Cadowgu kama tagayo isku dayga uu ku weerarayo fariisimaha Ciidamada Ruushka.” Ayuu yiri General Surovikin.

Qirashadan dhifka iyo naadirka ah ayaan looga baran Militariga Ruushka, waxaase iska cad in ciidamadooda ay muddooyinkii ugu dambeysay iska caabin xoog leh kala kulmayeen kuwa Ukraaniyiinta.

Ciidamada Ukraine ayaa muddo toddobaadyo ah guulo ka gaarayay furimaha dagaalka, iyagoona Ciidamada Ruushka ku khasbay inay dib uga gurtaan dhul ay horey dagaalka ugu qabsadeen.

Reer Galbeedka ayaa marar badan ku faanay inay shaqeysay taageeradooda joogtada ahi ay siiyaan Ukraine, waana midda loo fasirtay inay xujada kaga dhigtay Ruushka in uu guul libin leh ka gaaro duulaanka uu 24-kii bishii February ku qaaday dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com