Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ka socda Gobolka Shabellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka iyo oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka la wareegay deegaano ku yaala, inta u dhaxeyso Degmooyinka Jowhar iyo Raage Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadu si nabdoon kula wareegeen deegaanada kala ah Jilable, Warciise, Warkulan, Qoordheere, Gaaleef iyo Bakajeex.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamadu ay ku sii jeedaan deegaano ay ka mid yihiin Wardhagax, Cali Fooldheere, Gal Bashiir, Qurac Madoobe iyo Aqab-duco.

Hawlgalkan bilowga ah ayaa la sheegay inuu daaran yahay, sidii la isugu furi lahaa Degmooyinka Gobolka Shabellaha Dhexe, si lamid ah inta badan Degmooyinka Gobolka Hiiraan, si waddada min Hiiraan illaa Banaadir ay u noqoto mid furan.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gadaal ka riixaya qorshe uu maamulkiisu doonayo inay ciidamadu ku qabtaan Degmada Aadan Yabaal, oo lagu sheego goobta ay Shabaabku ka soo abaabulaan weerarada ay ka gaystaan labadaasi gobol.

Waxaa jira ciidan ay ogtahay Madaxtooyada Hirshabelle oo gaaray deegaanka Biyo-cadde, laguna wado inay uga sii gudbaan deegaanka qadiimiga ah ee Miirtaqwo, waana ciidanka loo diyaariyay inay wajahaan maleeshiyada Al Shabaab ee ka arrimiya Degmada Aadan Yabaal.

Shabaabka hubeysan ee ka biya diidan jiritaanka Dowladda Federaalka ayaa sanadkan wajahaya gulufkii ugu ballaarnaa, inta ay taariikhdu qoreyso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com