Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo maanta la soo geba-gabeeyay (SAWIRRO)

Waxaa maanta la soo geba-gabeeyay bandhigga guuleystayaasha Soomaaliyeed, oo muddo laba maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay qabanqaabadeeda lahayd Shirkadda Hormuud Telecom ayaa intii ay socotay waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin sar sare, oo ka socotay Dowladda Federalka Somaliya, sida Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo marti Sharaf ka socotay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Bashiir Cabdullaahi Sahal oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Shirkadda Hormuud, ahna xubin ka tirsan Golaha Sare ee shirkadda, oo daahfurey bandhiga maalinta labaad ayaa ka sheekeeyey duruufihii adkaa ee uu soo maray isticmaalka adeegga EVC Plus, kaas oo shacabka Soomaaliyeed u fududeeyay noloshooda, wax badanna ka beddelay sida looga dukaameysto Soomaaliya.

Bahda waxbarashada oo bandhiga lagu abaalmariyay kaalintii ay kasoo qaateen horumarka wadanka ayaa dhankooda u mahadsaceliyay hormuud telecom oo 20sano jirsatay.

Dr. Fartuun shariif Agaasimaha isbitaalka hooyada iyo dhalaan Banaadir oo ka hadashay bandhigga guuleystayaasha soomaaliyeed ayaa sheegtay in aysan Hadal ku cabiri karin hiillada ay Hormuud siisay bahda caafimaadka, si gaar ahna isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir.

Gudoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusf ayaa isla goobta ku ballanqaaday in ay Shirkadda Hormuud bixineyso muddo hal sano ah shidaalka ku baxa Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir iyo in ay centralize garayn doonaan oksajiinta isbitaalkaasi.

Wasiiirka Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabduqaadir Maxamed ayaa sidoo kale ka hadlay bandhiga guuleystayaasha Soomaaliyeed

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka oo hadal ka jeediyay geba-gabada bandhigga guuleystayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegay in Shirkadda Hormuud oo go’aansatay inaysan kaligeed dabaal dagin ee ay abaal mariso dadkii wax u soo qabtay bulshada “Waxay shirkaddu dalka u tahay Hormuud, sida aan ugu faaneyno wiilasha U-17 ee dalka guusha u keenay ayaan ugu faaneynaa Shirkadda Hormuud.”

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa $15,000 iyo internet free ah muddo sanad ah ku abaalmarisay ciyaartoyda iyo macalimiinta qaranka ee guushii taariikhiga ahayd ka soo hoyeeen tartanka da’yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com