General Odawaa oo kormeeray deegaanka la xoreeyay ee Xawaadley (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeer ku tegay deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Sabtidii la wareegay Xawaadley, oo hoostagta Degmada Balcad, muddo dheerna ay maleeshiyada Al Shabaab ka arriminayeen.

Xawaadley oo goob istiraatiiji ah ku taalo ayaa leh buundo, waxaana la fahamsan yahay inay muhiim u ahayd Shabaabka isaga kala gudba Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada kaga mahadceliyay xoreynta deegaankan muhiimka ah, isagoona ku booriyay inay sii wadaan difaaca shacabkooda.

Taliyaha ayaa Saraakiisha iyo ciidamadaba kula dardaarmay joogteynta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo markii ugu horreysay Talaadadii xirtay tuutaha ciidamada ayaa iclaamiyay in gobolku uu ka bilowday dagaal looga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Gulufkan ayaa ku lamaanan hawlgalada muddooyinkanba ka soconayay Gobolka Hiiraan, oo Shabaabka looga saaray inta badan deegaanadii ay gobolkaasi kaga sugnaayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com