Macluumaad la xiriira burburka gaaray Buundada Degmada Buulo Burde

Iyadoo Gobolka Hiiraan uu ka socdo gulufka ugu weyn ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayay Shabaabku Arbacadii qarax ku xireen Buundada Degmada Buulo Burde, taasoo uu burbur ka soo gaaray.

Buundadan oo muddo fog ka hor la dhisay ayaa ahayd middii isu xiri jirtay labada daamood ee degmadaasi, oo uu kala qaybiyo Webiga Shabelle, waana middii ay isugu kala gudbi jireen gaadiidka ganacsiga ee gobolada koonfurta iyo waqooyiga dalka.

“Buundadii way duntay, qayb bartamaha ah ayaa duntay, waa wuxuuna gaari mari karin hadda. Dhimashaduna lix qof ayaa ku shahiiday, laba askari, laba dumar ah iyo laba qof oo kale oo rag ah. 21 kalena way ku dhaawacmeen, waa dhaawac isugu jira mid culus iyo mid fududba. 10 qof oo dhaawacoodu cuslaa waxaa loo qaaday Muqdisho.” Ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kana mid ah masuuliyiintii kormeertay buundadaasi, ka dib qaraxii shalay.

Xildhibaanka oo ka waramayay inta uu le’egyahay burburka buundada ayaa sheegay in khasaaruhu uu ka sahlan yahay, intii la maleynayay.

“Buundada waa buundo aad u xoog badan oo xadiid aan caadi ahayn laga sameeyay, oo muddo aad u dheer dhisan. Qaraxu ma yarayn, laakiin birta oo xoog badan darteed khasaaraha sidii la fillayay aad buu uga sahlan yahay, Ilaahay baa saqiray, waana wax la hagaajin karo.” Ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

“Waxaan rajeynaya in si dhakhsi leh ay dowladdu ugu soo gurmato, si degdegna loogu dhiso, maxaa yeelay buundada waa wax haddaba la dhiso karo, sida ugu dhakhsaha badan, maadaama ay lafdhabar u tahay jiritaanka bulshada iyo isu xirka ciidamada ku jira dib u xoreynta deegaanada gobolkan.” Ayuu sii raaciyay Xildhibaanku.

Xildhibaan Khaliif Cabdi ayaa ku baaqay in la dardargeliyo hawlgalada laga sameynayo gobolada ku dhow dhow Gobolka Hiiraan, si culeyska Shabaabka uga yaraado gobolkaasi.

“Culeyska jiro ee Hiiraan ku hayaan keliya ayaa fursad siinaya inay marba dhinac ka soo dusaan, taas macnaheedu ma ahan in Shabaab ay xoog badan yihiin.” Ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi oo intaasi ku daray “Waxaan rajo ka qabnaa in si dhakhsa ah loo soo afjaro Shabaab, Ilaahay idinkiis.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com