Madaxweynaha oo magacaabay Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo kan Rafcaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Benaadir, ka dib soo jeedin ka timid Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha ayaa xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Siciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Gudoomiyeyaasha cusub in ay ka shaqeeyaan sarreynta sharciga iyo xallinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne oo ku saleysan Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juun 1962 ayaa dhaqangalay ka dib faafinta rasmiga ah ee maanta oo ku beegan 20-ka Bisha Oktoobar 2022.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com