Putin oo xaalad degdeg ku soo rogay gobolada Ruushku ka qabsaday Ukraine

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xukun militari ku soo rogay 4-ta gobolka ee dalka Ukraine ka tirsan, balse Moscow ay dhulkeeda ku darsatay.

Baarlamaanka Ruushka ayaa 3-dii bishan sharciyeeyay in Gobolada Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson ay si rasmi ah uga mid yihiin dhulweynaha Ruushka, ka dib aftidii dadka deegaanka laga qaaday daba-yaaqadii bishii September.

Madaxweyne Putin oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa ku dhawaaqay in xukunkan uu sidoo kale saamayn doono Gobolka Gacanka Crimea, oo sanadkii 2014 uu Ruushka kala wareegay Ukraine.

“Waxaan idiin sheegaya in xukunkan militari lagu soo rogay Jamhuuriyadaha Donetsk & Luhansk iyo Gobolada Kherson & Zaporizhzhia, tan iyo markii ay ku soo biireen dhulka Ruushka, iminkana waa lagama maarmaan in la dhaqangeliyo, iyadoo la raacayo shuruucda Ruushka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Putun ayaa yiri “Waxaan saxiixay digreeto xukun militari lagu gelinayo afartaa qaybood ee ka midka ah Federaalka Ruushka.”

Go’aanka Putin ayaa imaanaya, xilli Ciidamada Ruushka ee ku sugan bariga iyo koonfurta Ukraine ay iska caabin xoog leh kala kulmayaan Ciidamada Ukraine.

Ciidamada Ukraine ayaa sii wada weeraradooda ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Militariga Ruushka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com