Ra’iisal Wasaare Barre oo si diiran loogu soo dhaweeyay Beledweyne (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo dadweyne fara-badan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Beledweyne u tegay xoojinta iyo dardargelinta gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

“Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sidii loo dardargelin lahaa dagaalka Ciidanka Dowladda Somaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan kooxda argagxisada ah ee gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.

Waa markii labaad oo uu Ra’iisal Wasaaruhu gaaro magaaladaasi. 25-kii bishii August ayay ahayd markii safarkii ugu horreyay ee gudaha dalka uu ku tegay Beledweyne, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com