Ra’iisal Wasaarihii Britain, Liz Truss oo galabta is casishay

Ra’iisal Wasaarihii Britain, Liz Truss ayaa galabta ku dhawaaqday inay is casishay, ka dib maalmo fowda ah oo ay gashay xukuumaddii ay hoggaamineysay.

Iyadoo ka hadleysay 10 Downing Street ayay sheegtay inaanay gudan karin waajibaadkii loo igmaday, isla-markana ay dhici doonto codbixin kale oo Xisbiga Conservative dhexdiisa ah, si ay u soo doortaan Ra’iisal Wasaaraha xigga.

Waxay sheegtay in shakhsiga bedelaya lagu dooran doono kulan ay toddobaadka dambe yeelan doonaan Xildhibaanada Conservative-ka.

Lix toddobaad oo keliya ayay ahayd Ra’iisal Wasaaraha Britain, waxayna noqonaysaa Ra’iisal Wasaarihii ugu muddada gaabnaa, taariikhda Ingiriiska. Xilka ayaana loo doortay 5-tii bishii hore ee September.

Liz Truss ayaa sheegtay inay xilka sii hayn doonto, illaa iyo inta laga soo dooranayo Ra’iisal Wasaaraha cusub.

Truss ayaa ku guuldareysatay miisaaniyad dhimis canshuureed, taasoo ruxday suuqyada dhaqaalaha, waxayna dood adag ka dhex abuurtay xubnaha xisbigeeda.

Truss ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelisay dhaqaalaha Boqortooyada Midowday ee U.K, ka dib qorsheyaal muran badan dhaliyay, oo ay markii dambena ka laabatay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com