Dable Caydiid oo lagu fuliyay xukunkii dilka ee qiyaasta Ex Wasiir Cabaas Siraaji

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Dable Xoogga Dalka Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid, oo ah qisaasta Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Askariga oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti Dhowrihii hore ee Qaranka, Nuur Faarax Jimcaale ayaa bishii May ee sanadkii 2017 rasaas ku furay gaari uu watay Wasiirka, isagoona ku andacooday in uu ka shakiyay gaarigaasi, oo ku soo dhawaaday gaari kale oo uu la socday Hanti Dhowrihii xilligaa.

Wasiirka ayaa u geeriyooday xabad kaga soo dustay wejiga hore ee gaarigiisii, mar uu marayay inta u dhaxeyso Hotel Siyaad iyo Masaajidka Isbahaysiga.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 19-kii bishii June ee sanadkaasi xukun dil ah ku xukuntay askariga. Maxkamadda ayaana xilligaasi fasaxday Cismaan Salaad Barre oo lala soo xiray askarigaasi.

Dable Caydiid oo rafcaan ka qaatay xukunkaasi ayay dib mar kale ugu xukuntay Maxkamadda Sare ee Ciidamada, 29-kii bishii July.

Dable Caydiid ayaa saakay lagu toogtay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada, Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa dilka ka dib Warbaahinta u sheegay in Dable Caydiid lagu fuliyay xukunkii qisaasta ee Ex Wasiir Siraaji.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka bisha 10aad 2022 waxaa Dable Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda.

Waxaa goobta lagu fuliyay xukunkan goobjoog ka ahaa Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Sare iyo Darajada 1aad ee Ciidamada, General Liibaan Cali Yarow iyo Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com