Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya xoogaga deegaanka ayaa maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa saakay bilaa dagaal kula wareegay deegaankan, ha yeeshee Shabaabka ayaa weerar rogaalcelin ah ku soo qaaday ciidamadii la wareegay deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay jilbaha u laabteen Shaababka, oo dhowr jiho ka soo weeraray fariisimaha ay ka sameysteen deegaankaasi, waxaana halkaasi laga maqlay qaraxyo waaweyn.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in intii uu dagaalku socday uu deegaankaasi ka dhacay duqayn dhinaca cirka ah, oo lagu garaacay aagagii ay Shabaabku ka dagaalamayeen.

Dagaalka oo gabal-dhicii soo gaaray ayaa la soo sheegaya in labada dhinac ay haatan kala jooggaan labada daraf ee deegaankaasi, inkastoo ay dowladdu sheeganayso inay ciidamadeedu si buuxdo gacanta ugu hayaan deegaankaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha labada dhinacba.

“Dagaalka aad buu u adkaa, laakiin ciidanku waa guuleysteen, gurmad fiicana waa heleen, Saraakiil wanaagsana way hoggaaminaysaa.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa yiri “Ciidamada Dowladda, ciidanka kacdoonka shacabka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo wada socda ayaa ku sugan deegaanka.”

General Caanood ayaa tilmaamay in Masaajid Cali Gaduud uu ugu dambeeyo saddex iyo toban deegaan oo ka tirsan gobolkaasi, lagana saaray maleeshiyada Al Shabaab.

“Masaajid Cali Gaduud waa deegaan aad muhiim u ah oo ku yaala meel istiraatiiji ah, oo isku xirta Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ceeldheer, oo ganacsigu uu si xoog leh uga socday, oo lacag iyo dhaqaale badana uu cadowgu ka heli jiray.” Ayuu yiri General Caanood.

Shabaabka ayaa saldhig weyn ku lahaa deegaankan, oo muhiim u ahaa difaacooda Degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com