Madaxweynaha oo xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo bulshada Puntland, sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka turjumeysa, sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. guusha lagu hirgeliyay mashruucan waxaa iska leh Somaliya oo dhan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay halganka isku tashiga ah ee ka socda guud ahaan dalka oo uu ugu horreeyo midka lagu ciribtirayo Al Shabaab oo isbaarada u dhigtay nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Somaliya xasilloon oo nabad iyo barwaaqo ah ay ku imaaneyso dalka oo laga xoreeyo Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay deegaanada dalka, Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku tartamaan horumarka iyo wax-wada qabsiga, isagoo tilmaamay taageerada iyo mudnaanta dowladdu ay u siineyso mashaariicda isku tashiga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com