Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray Magaalada Djibouti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ambouli ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qaybgelaya shir looga hadlayo is bedelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday ee aafeeyay gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Jamhuuriyadda Jabuuti waxa uu wada hadalo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada uu la yeelan doonnaa dhiggiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com